Gudoomiyaha Banka dhexe oo looga yeeray Barlamaanka Federalaaka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gudoomiyaha Banka dhexe oo looga yeeray Barlamaanka Federalaaka

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa  amar ku bixiyey in Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Mudane, Bashiir Ciise Cali soo horfadhiisto barlamaanka  si wax looga weydiiyo sida ay ku dhacday in Bankiga Dhexe laga xado lacag gaareysa $ 530,000.

Xidlhibaan Maxamed Nuuraani Bakar  oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in aysan suurtagal aheyn in lacag cadadaas dhan in Bankiga laga xado iyadoo qofna ka warqabin.

Waxaa  dhowaan ina hor imaan doono Gudoomiyaha Bankiga Dhexe  si loola yeesho la xisaabtan dhab ah.

Siyaasiyiinta qaar ayaa horey u soo jeediyay in Dowladda Soomaaliya ay waajib ku tahay in ay xil ka qaadis ku sameyso Gudoomiyaha Bankiga Dhexe iyo dadka ka hoos shaqeeya.

Dhowaan ayay aheyd markii Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali uu shaaciyay in Bankiga Dhexe ay ka maqan tahay lacag dhan $ 530,000, taasina uu ku eedeeyay in uu la baxay Qasnajiga Bankiga.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.