50 ka mid ah Al Shabaab oo gudaha u galay Dalka Kenya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

50 ka mid ah Al Shabaab oo gudaha u galay Dalka Kenya

Nairobi (Mareeg)—Wargeyska The-Star ee ka soo baxa Dalka Kenya ayaa baahiyay, ku dhawaad 50 Dagaal yahan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab in ay gudaha u galeen qeybo ka mid ah Dalka Kenya.

Xoogagan ka tirsan Al Shabaab ayaa Kenya waxey ka soo galeen Degaanka Sugrow oo dhaca Xadka Dalka Kenya, waxaana Xogo sir ah uu helay Wargeyska The-Star ay muujinayaan in Dagaal yahanadaasi ay isku qeybiyeen 3 Koox.

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada amaanka iyo kuwa Militariga Dowladda Kenya la geliyay heegan buuxa, si ay uga feejignaadaan Weeraro ka yimaada Xarakada Al Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Magaalada Wajiir, Maxamed Sheekh ayaa xaqiijiyay in ay jiraan xogaha ku aadan in Dagaal yahano ka mid ah Al Shabaab ay ka soo gudbeen Xadka ay wadaan Dalalka Soomaliya iyo Kenya.

Taliye Maxamed Sheekh aayaa ku eedeeyay Ciidamada Kenya ee ku sugan dhanka Xadka in ay ka gaabiyeen sugida amaanka Xadka Dalka Kenya uu la wadaago Soomaaliya.

Sikastaba, Saraakiisha Dowladda Kenya ayaa ka digay Weeraro qorsheysan oo Xarakada Al Shabaab ay ka fuliyaan qeybo ka mid ah Dalka Kenya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!