50 Dhalinyaro Al Shabaab Ah Oo Ka Faa'iideestay Hadal Uu Jeediyay Madaxweyne Farmaajo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

50 Dhalinyaro Al Shabaab Ah Oo Ka Faa’iideestay Hadal Uu Jeediyay Madaxweyne Farmaajo

Wasiirka Wasaarada Gaanshaadhiga Xukuumada Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ku dhawaad 50 dhalinyaro ay isku soo dhiibeen Ciidamada dwolada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in dhalinyaradaasi ay isasoo dhiibeen tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay in cafis loo fidyay dhalinyarada ku jirta Ururka Al Shabaab.

Dhalinyarada isku soo dhiibtay dowlada Soomaaliya ayaa badankood iska soo dhiibay Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada Gaanshaadhiga Xukuumada Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa intaa ku daray in labadii ugu dambeysay ay Shalay isku soo dhiibay Ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan deegaanka Laanta Buuro waxaana uu sheegay in dhaqan celin iyo nolol wanaagsan ay u sameyn doonaan dhalinyaradaasi kasoo baxday Ururka Al Shabaab.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!