5 Ruux iyo gaarigii loo adeegsadey Madaafiicdii lagu garaacay Muqdisho oo la qabtey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

 5 Ruux iyo gaarigii loo adeegsadey Madaafiicdii lagu garaacay Muqdisho oo la qabtey

  • Muqdisho —Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo kala duwan kadib waxaa gacanta ay ku soo dhigeen 4 Ruux oo lala xiriirinayo madaafiic lagu garaacay Degmooyinka Xamar-jajab iyo Waabari ee Magaalada Muqdisho.

 

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir, Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay 4-taasi qof laga qabtay iyagoo Gaari wata Wadada Maka Al-Mukarama ee Muqdisho.

 

Taliye Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa tilmaamay in labo ka mid ah Dadkaasi la qabtay iyagoo dhaawacan, waxuuna qeexay in loo qaaday Isbitaal, si halkaasi xaaladooda caafimaad loogu dabiibo.

 

Madaafiicdii Xalay ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 3 Ruux, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay in ka badan 10 kale.casi_3

 

Dhinaca kale, War ka soo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in Duqeyntaasi lagu beegsaday Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Maalmo ka hor ayee aheyd markii madaafiic khasaaro kala duwan ka dhashay lagu gaaray Nawaaxiga Madaxtooyadda Dalka Soomaaliya.casi_1

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!