Ku Xigeenka Duqa Gaalkacyo Oo Ku Dhaawacmay Qarax Lala Beegsaday

Gaalkacyo, Mareeg.com: Ku-xigeenka duqa magaalada Gaalkacyo, Cabdi Cismaan Faarax ayaa maanta ku dhaawacmay qarax miino oo lagu aasay afaafka hore ee gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Garsoor.

Lama oga cidda sida rasmiga ah uga dambeesay weerar loo gaystay duqa Gaalkacyo, iyadoo weerarka kadib ciidmada ammaanka Gaakacyo ee Puntland ay bilaabeen howl galo ay ku baadi goobayaan shaqsiyaadkii ka dmbeeyay weerarka .

Duqa magaalada Gaalkacyo ee Puntland, Axmed Cali Salaad ayaa Al-Shabaab ku eedeeyay isku dayga dil ee lala damacsanaa ku xigeenkiisa.

Dhaawaca Cabdi Cismaan Faarax aya la sheegay inuu yahay mid fudud, isagoo la geeyay Isbitaalka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Magaalada Gaalkacyo ayaa mudooyinkan ahayd mid degan, iyadoo horey ay uga dhici jireen qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Mareeg.com