4 ajnabi ah & 3 Somali ah oo ku dhintay qaraxa Garowe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

4 ajnabi ah & 3 Somali ah oo ku dhintay qaraxa Garowe

Mareeg.com: Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal, Axmed C/llaahi Samatar (Layli) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa ka warbixiyay qarax saaka haleelay gaari uu leeyahaya UN-ka oo dad badan dhimasho iyo dhaawac kasoo gaaray.

Taliyaha ayaa sheegay in dadka dhintay yihiin 7 ruux, oo kala ah: 4 ajaanib ah (Lama sheegin dalalka ay kala dhasheen), 2 Soomaali iyo 1 lagu sheegay inuu ahaa qofka qaraxu ku xirnaa.

Sidoo kale, taliye Leyli ayaa sheegay iney qaraxa ku dhaawacmeen ilaa 7 qof oo 5 Soomaali yihiin, 2 kalana yihiin ajaanib.

Warar kale oo ay qoreen warbaahinta reer Galbeedka ayaa sheegaya in dhimashadu gaareyso ilaa 9, dadka dhintayna ay ku jiraan Kenyan.

Axmed Cabdulaahi Samatar (Layli )  ayaa sheegay in ruuxa is qarxiyay uu saarnaa gaariga, waxaana taliyaha uu ka gaabsaday in ruuxaan is qarxiyay uu ka tirsana shaqaalaha UN-ka iyo in kale.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!