Daawo sarkaal Kenyan oo jeydal ku garaacaya dad Soomaali ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Daawo sarkaal Kenyan oo jeydal ku garaacaya dad Soomaali ah

Mareeg.com: Warbaahinta ayaa dhawaan heshay sawirro muujinaya sarkaal ka tirsan ciidamada Kenya oo jirdil xun u geysanaya dad Soomaaliyeed oo ku nool gobolka Woqooyi Bari Kenya.

Sargaalka laga qaaday muuqalkaan waxaa la sheegay inuu ka tirsanyahay  Ciidamada booliiska Kenya, gaar ahaan Waaxda Baarista Dambiyada ee Magaalada Gaarisa.

Baraha ay Bulshadu kuwada xariiraan ayaa lasoo dhigay Sawiro iyo Muuqaal laga qaaday Sargaalkan Kenyanka ah oo si xun u garaacaya dhalinyaro Soomaaliyeed kuwaa oo xabadka dhulka loo dhigay kadibna uu ninkaas ku garaacayo jeydal.

Malaayiin qof ayaa daawaday muqaalkaas, waxaana inta badan dadku si kulul u dhaleeceeyeen falka uu sargaalkan ku dhaqaaqay.

Ciidamo kale oo Kenyan ah ayaa daawanayay falkan foosha xun uu ku kacay Sargaalkan katirsan Waaxda Baarista Dambiyada booliiska Kenya.

Dhacdadan ayaa ka dhacday  deegaanka Modika oo katirsan Magaalada Garissa ee ah xarrunta gobolka Woqooyo Bari Kenya.

Dadka u ololeeya Xaquuqda Aadanaha ayaa ugu baaqay Dowlada Kenya in ay soo xirto ayna sharciga horgeyso sargaalkan katirsan booliiska ee falkan foosha xun kula dhaqaaqay Dhalinyarada Soomaali Kenyanka ah .

Taliska booliiska Kenya oo dhacdadan foosha xun ka hadlay ayaa sheegay in ay baarayaan Muuqaalkan ayna maxkamad horgeyn doonaan Sargaalka dambigan loo heesto hadii ay dhacdadan noqoto mid xaqiiq ah.

Alshabaab ayaa weeraro badan ka geystay gobolka Woqooyi Bari Kenya, waxeyna jaamacadda Gaarisa oo kaliya ku dileen in ka badan 148 ruux oo arday u badnaa.

Kenya ayaa carro ay ka qaadday weerarada Alshabaab waxey culeys xoog leh saartay shacabka gobolka Woqooyi Bari, waxaana la sheegayaa iney dhaceen tacadiyo farabadan.



Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!