RW Cumar Cabdirashiid oo ku wajahan degmada Cadaado

Read Time:46 Second

Mareeg.com: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo ay fidsan tahay gogosha shirka maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Qaban qaabo xoogan oo loogu jiro soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid ayaa ka socota magaaladaasi, iyadoo halkaa ay ku suganyihiin Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo madax kale.

Ujeedka socdaalka Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa ah sidii uu u furi lahaa wejiga 2-aad ee shirka Maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Degmada Cadaado ayaa waxaa iminka ku sugan Wasiiro ay ka midyihiin Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka, Wasiirka difaaca, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Qaranka iyo mas’uuliyiin kale.

Safarkan ayaa noqonaya kii labaad oo uu Ra’iisul Wasaaraha ku tagi doono Galgaduud, waxaana uu horay u booqday magaalada Dhuusa Mareeb oo uu horay uga socday shirkii dib u heshiisiinta Beelaha.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %