Mareeg.com: Maamulka Somaliland ee sheegta inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale ayaa maanta ku dhawaaqay inuusan soo dhawey doonin qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo cararaya colaada dalka Yemen.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisu uusan ogoleyn in qaxooti kasoo cararay Yemen ay markale kasoo degaan dekedda Berbera.
Warancadde ayaa sababta maamulka Somaliland u qaatay go’aankaas ku sheegay iyadoo sida uu yiri Hay’addaha deeqda bixiya ay diiden in ay caawiyaan qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo laabanaya dalka Yemen oo ay ka taagan yihiin colaado sokeeye iyo mid shisheeye ku lug leeyahay.
“Anagu ma awoodno in aan taakuleyno qaxootiga, hay’adduhuna way diideen in ay caawiyaan qaxootiga Soomaalida mana garanayno sababta ay u diideen, waxay caawinayaan keliya qaxootiga kale ee ajnabiga’’ yiri Cali Warancadde.
Wuxuu sheegay Warancadde in maamulka Somaliland uu caawin doono oo deegaannada ay doonayaan ay gaarsiin doonaan qaxootigii ugu dambeeyay ee soo gaaray dekadda Berbera iyo kuwii hore u joogay.
Maamulka Somaliland ayaa horay u sheegay inuu soo dhaweynayo qaxootiga kasoo cararaya Yemen, hase ahaatee waxaa go’aanka maanta abuuray shaki ah in maamulkaasi soo dhaweynta qaxootiga ka lahaa dano dhaqaale, maadaama sababta ay ku sheegeen in haya’duhu dhaqaale bixin waayeen.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.