Mareeg.com: Markab sida gargaar oo ay Iran u dirtay dalka Yemen ayaa lagu wadaa in saaka uu ku xirto dekedda Jamhuuriyadda Djibouti.
Markabka gargaarka sida ee Iran
Djibouti ayaa markii hore waxa ay sheegtay in aanay u ogolaan doonin in markabkaas uu soo xirto ilaa ay Iran ka ogolaato in Qaramada Midoobay ay baarto.
Raashinka uu markabkan sido ayaa la doonayaa in lagu wareejiyo barnaamijka cunada dunida u qaabilsan Qaramada Midoobay ee WFP.
Waa markabkii ugu horeeyey oo Iran soo dirto oo soo gaara Djibouti. Djibouti waxa ay marti gelisay in ka badan 4000 oo qaxooto Yemeniyiin ah oo ka cararay colaadda dalkooda ka socota.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.