Faragelin milateri oo lagu sameeyo Liibiya oo laga shaki qabo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Faragelin milateri oo lagu sameeyo Liibiya oo laga shaki qabo

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya dalka Tunisia oo deris la ah dalka Liibiya ayaa sheegaya in halkaas ay joogaan ilaa 20 markab oo nuuca dagaalka ah, kuwaasoo laga cabsi qabo iney faragelin ku sameeyaan coladda ka aloosan dalka Liibiya.

Warside lagu magacaabo Réalités ayaa sheegay in maraakiibtaas dagaal ay ku sugan yihiin meel 50 Meyl u jirta xeebaha magaalada Mahdiya ee dalka Tunisia.

Maraakiibta dagaal ee halkaas la geeyey waxaa la sheegay iney leeyihiin dalalka reer Galbeedka ee ay ugu horreeyaan Mareykanka iyo Taliyaaniga.

Warsidaha Réalités  oo xiriir la sameeyey afhayeenka wasaaradda gaashaandhiga Tunisia, Balxasan Alwistalaani ayaa sheegay in mas’uulkaas uusan beenin, uusanna xaqiijin maraakiibta ceegaagta xeebaha dalkaas, balse uu ku gaabsaday in biyah badeedka Tunisia yihiin 12 Meyl oo kaliya.

Dalalka Midowga Yurub oo Taliyaanigu ugu horreeyo ayaa dhawaan soo jeediyey in faragelin milateri lagu sameeyo dalka Liibiya, si loo joojiyo colaadda halkaas ka aloosan oo qaraxda markii la riday hogaamiyihii dalkaas Col. Mucamar Alqadaafi, sanadkii 2011.

Dagaalka sokeeye ee ka socda Liibiya ayaa xoojiyey Muhaajiriinta Afrikaanka iyo Carabta ah ee dalkaas uga gudba Yurub, iyagoo ka dega Taliyaaniga ama jaziiradda Malta.

Sidoo kale, waxaa dalalka Yurub ka yaabiyey markii ay dalka Liibiya ka kaceen Khalaafada Islaamiga ah, islmarkaana xasuuqeen Kiristaan Masaari iyo Itoobiyaan ah.

Dalka Libiya ayaa waxaa ku dagaallamaya kooxo kala duwan oo qaarkood dowlad kala sheeganayaan, halka ay sidoo kale dalka ka dagaallamayaan Alqaacidda iyo Daacish.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!