Shiinaha oo Jabuuti kala xaajoonaya saldhig milateri oo uu ka sameysto dalkeeda * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Shiinaha oo Jabuuti kala xaajoonaya saldhig milateri oo uu ka sameysto dalkeeda

Mareeg.com: Dal-weynaha Shiinaha ayaa doonaya inuu noqdo dalka 4-aad ee saldhig milateri ku leh Jamhuuriyadda Jabuuti, sida uu xaqiijiyey,  madaxweynaha dalkaas, Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Geelle ayaa wareysi uu siiyay Wakaalada Wararka ee AFP ku sheegay inuu soo dhoweynayo joogitaanka Xukuumadda Beijing oo dooneysa iney saldhig milateri ka dhigato Dekeda Istiraatiijiga ah ee Jabuuti..

“Wada hadalo ayaa socda, joogitaanka Beijing ee halkan waxay noqon laheyd mid soo dhoweyn leh”ayuu yiri Madaxweyne Geelle.

Horay waxaa Jabuuti saldhigyo ciidan ugu lahaa dalalka Faransiiska, Mareykanka iyo Japan, waxaana haataan la filayaa inuu kusoo biiro dalka Shiinaha.

Mareykanka oo loollan adag kala dhaxeeyo Shiinaha ayaa u arki doona soo degitaanka Shiinaha ee Jabuuti mid aan u wanaagsaneyn.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.