Madaxweynaha Jabuuti oo ka dhigay cawaaqib xumo ka dhalan karta colaadda Yemen * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Jabuuti oo ka dhigay cawaaqib xumo ka dhalan karta colaadda Yemen

Mareeg.com: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka digay dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Yemen, isagoo xusay inuu faa’iido u yahay garabka Al-Qaacida ee Yemen oo khatar amni gelinaysa guud ahaan bariga dhexe, sida uu yiri.

Madaxweyne Geelle oo la hadlay wakaaladda wararka AFP  ayaa sheegay in dagaalka Yemen uu dhibaato ku yahay wadanka Jabuuti isla markaana uu dagaalkasi sababay in loolanka u dhaxeeya Muslimiinta Suniga iyo Shiicada ay ka faa’ideysanayaan Al-Qaacida uu awoodeeda ku baahinaysa gobolka.

Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu carraba ku adkeeyey in dagaalada hadda ka socda dalka Yemen ay yihiin kuwo u ogolaanaya Al- Qaacida Jasiiaradda Carabta in awooda wadanka la wareegaan.

“Alqaaciadada Jaziiradda Carrabta ayaa ka faa’ideysanaysa rabshadaha cusub ee u dhaxeeya Suniyiinta iyo Shiicada Yemen, tani waxaa ay abuuri kartaa in ay kala fogaadaan dadka reer Yemen oo aan waligood dareemin kala duwanaansho labo bulsho ka dhaxeysa”   ayuu yiri madaxweyne Geelle.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in  isbaheysiga militiriga ee Sacuudiga hogaaminyo uu ahaa mid lagama maarmaan ah hase yeeshee waxaa uu ka dhigay in uu kala qeybiyo bulshooyinka dalkaasi oo Shiicada ay noqoto mid ah bartilmaameedsadaan weerarada diyaaraha Sacuudiga iyo Al-Qaacida.

Barta ugu dhow waa 30 kilometres (20 miles) ayaa u dhaxeysa  Djibouti  iyo Yemen, halka looga soo gudbo waa  Bab al-Mandeb oo ah marin muhiim u ah maraakiibta sida shahnadaha kala duwan sida,waxaana uu kala qeybiyaa Africa  iyo  Carabta.

Djibouti markii hore ayay la ciir ciireysay qaxooti 28,000 gaaraya kuwaas oo intooda badanka yimid Soomaaliya halka dadka Jabuuti ay tiro ahaan gaarayaan 850,000 oo ruux.

“Tani waa markii sadexaad oo qulqul qaxooti inaga soo gaaro Yemen ka dib sanadihii 1986 iyo 199- tii”  waxaa sidaa sheegay Madaxweynaha, taas oo ah labo dalka oo wadaaga dhaqan isku mid ah isla markaana leh xiriir ganacsi oo aad u dheer.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!