Muqdisho: Taliyaasha Booliska iyo Asluubta oo la dhaariyey (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Muqdisho: Taliyaasha Booliska iyo Asluubta oo la dhaariyey (Sawirro)

Muqdisho, Sabti 09 May 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxaa hortiisa lagu dhaariyey taliyeyaasha cusub ee Ciidammada Asluubta iyo Booliska S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac iyo S/Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamid.

Taliyeyaasha ayaa waxaa dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf.

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay taliyeyaasha cusub, isagoo dhanka kalena kula dardaarmey inay sii labanlaabaan hawshii wanaagsaneyd ee ay horey u qabteen taliyeyaashii ka horeeyay, la lana yimaado qorshe amniga dalka lagu xoojinayo.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Cadaaladda Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), Wasiirka Amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed, saraakiil ka tirsan ciidammada iyo mas’uuliyiin kale.

—DHAMMAAD—

unnamed (1)unnamed (2)unnamed (3)unnamed (4)unnamed (5)unnamed (6)unnamed (7)unnamed (8)unnamed

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!