Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Mareeg.com: Xildhibaan Siciid Xuseen Nuur oo ka tirsanaa golaha Wakiilada ee Puntland ayaa xalay lagu diley woqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Xildhibaanka ayaa la diley isaga oo ka soo baxay salaadii maqrib masjidkii uu ku tukadey oo lagu magacaabo Abu-hureyra. Waxaa wararku sheegayaan in Xildhibaanka lala diley qof kale oo waardiyihiisi ahaa.

Ragga dilka geystey oo rasaas iyo bombada gacanta adeegsadey ayaa markiiba gaari ku baxsadey sida ay warbaahinta u sheegeen goobjogayaal.

Xildhibaan Siciid Xuseen Nuur ayaa laga soo doortaa gobolka Nugaal gaar ahaan degmada Burtinle.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng. Camey ayaa ku sugan magalada Galkacyo isaga oo safar diyaradeed kaga yimid magaalada Kismaayo.

Waa Xildhibaanki u horeeyey ee Puntland gudaheeda lagu dilo tan iyo markii uu xilka la wareegay Dr Cabdiweli Cali Gaas.

Bishii hore ee Abril ayaa Al-Shabaab sheegteen dil loogu geystey magaalada Muqdisho Xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen oo  ka tirsanaa baarlamaanka Puntland oo arrimo caafimaad u joogey Muqdisho.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More