Mareeg.com: Ciidammada Hey’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen nin ay sheegeen inuu habeenkii Jimcaha ku dilay degmada Yaaqshiid garsoore lagu magacaabo Macallin Abshir.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha, Maxamed Yuusuf Cismaan, ayaa sheegay in dadka deegaanku ay ciidammada ammaanka gacan ka siiyeen soo qabashada gacan ku dhiiglahan oo isku dayay in uu baxsado.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha ayaa sheegay in ninka la soo qabtay uu ahaa gacan ku dhiigle ka tirsan Alshabaab sida uu yiri, islamarkaana dilal fara badan u geystay muwaadin Soomaaliyed.
Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in ninka lasoo qabtay uu Alshabaab u qaabilsanaa degmooyinka Deynile iyo Yaaqshid, halkaasna uu dad badan ku dhibaateeyey, sida uu warka u dhigay.
Habeenkii Jimcaha xilligii salaadda cishaha ayaa hotel ku yaalla agagaarka Isgoyska Hotel Towfiiq lagu dilay nin lagu magacaabi jiray Macallin Abshir oo mar ka tirsanaa jiray Alshabaab, balse mar dambe usoo galay dowladda Soomaaliya.