Cadaado amaanka la adkeeyey iyo roob xoog leh oo da’ay (Sawirro)

Mareeg.com: Amanaaka degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa si weyn loo sugay, iyadoo uu halkaas ka socdo shirka maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud.

Ciidamada Maamulka Ximan & Xeeb iyo kuwa kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya, iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa lagu arkayaa wadooyinka Cadaado, iyagoo iska kaashanaya suggida ammaanka.

Cadaado waxaa la dhigay gogosha Maamul U Samaynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud, oo leesku yiraahdo Gobolada Dhexe, si Maamul Goboleed loogu soo yegleelo.

Magaaladu waxaa ku qul qulaaya ergooyin kala duwan oo la tilmaamay in loo xulanayo ergada soo dhisaysa Maamulka Gobolada Dhexe (Galgaduud iyo Mudug)

44 ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Gobolada Dhexe, ayaa waxaa loo xil saaray inay soo doortaan 350 ergo, kuwaa oo soo dooranaya Madaxweynaha Maamulka.

Dhanka kale, waxaa degmada Cadaado ka da’ay roob xoog leh oo biya dhigaya magaalada iyo daafaheeda.

Halkaan daawo sawirrada degmada Cadaado oo xareeddu taallo.

Cadaado 111

Cadaado 222

Cadaado roob

Cadaado8

Cadaado9

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245