Hargeysa: Booliska oo qabtay 82 shay oo hub fudud ah

Mareeg.com: Masuuliyiinta garoonka diyaaradaha Hargeysa, ayaa sheegay inay 3-dii bilood ee u dambeeyay madaarka ku qabteen 82 shay oo hubka fudud ah, kuwaasi oo waxyeelayn dadka.

Taliyaha Ciidanka Booliska ee Saldhiga Madaarka Cigaal, Kabtan Saalax Caarshe  ayaa saxaafadda u sheegay inay qalab khatar ah oo ka dhan ah Amaanka garoonka ay ku qabteen afaafka hore laga soo galo.

Waxa uu dadka garoonka soo galaya iyo gaadiidka uga digay inay isku dayaan inay wax amniga khatar galin kara la soo galaan madaarka.

“Qalabka aanu qabanay waxay iskugu jiraan faashash, toorriyo, waxaa ku jira warmo, waxaa ku jira wax laga sameeyay baangeyaal dhaadheer, waxaa ku jira bahalo laga sameeyay Kammaanno, waxaa ku jira Baaskoolado, dhamaan qalabkaas waxaanu ku qabanay albaabka hore ee Madaarka laga soo galayo” ayuu yiri Kabtan Saalax Caarshe.

Taliyaha Saldhiga Madaarka, Kabtan Saalax Caarshe, ayaa sharci darro ku tilmaamay in qalabkaasi lala soo galo garoonka Hargeysa “Waxaa Sharci darro ah ama mushkilad ah in qalabka noocaas ah ee khatarta ku ah amaanka, inuu qofku ku soo talo galo inuu madaarka la galo, isagoo doonaya inuu garoonka hawl ka qabsado”

Garoonka Hargeysa ayaa dhaawaan dib u ballaaran lagu sameeyey, waxaana lasii adkeeyey amaankiisa.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245