Gaas: UNDP waa iney noo qabato waxa aan rabno

Read Time:2 Minute, 4 Second

Mareeg.com: Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta ee UNDP ayaa maanta magaalada Garowe kusoo bandhigtay waxqabadkeeda sanadka hore ee 2014.

G

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta hoolka jaamacadda PSU ee Garoowe kaga qeyb-galay Barnaamij ay Hay’adda UNDP ku soo bandhigaysay qorashayaasha horumarineed ee ay Puntland ka fuliyeen sanadkii 2014 iyo mashaariicda ay rabaan in sanadkaan ka hirgeliyaan guud ahaan Puntland iyo Soomaaliya.

Barnaamijka waxaa sidookale ka qey-galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire, Wasiiro katirsan xukuumadda Puntland, madaxda iyo shaqaalaha hay’adda UNDP iyo masuuliyiin kale oo madasha u yimi sidii ay wax badan uga ogaan lahaayen waxqabadka hay’adda UNDP ee Soomaaliya.

Hay’adda UNDP ayaa soo bandhigtay qorshayaasheeda horumarineed ee ay sanadkii hore ka hirgeliyeen guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka Puntland, waxaana su’aalo dhowr ah ka weydiiyey soo bandhigid kadib Wasiiradii iyo masuuliyiinti kale ee ka qeyb-galay kullanka.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa muhiimadda uu barnaamijku leeyahay ku tilmaamay inay tahay inaan shacabka reer Puntland loo tilmaamin waxa loo qabanayo balse iyagu ay soo gudbistaan baahida ay qabaan iyo waxa ay rabaan in loo qabto.

“Sababtu waxaa weeye dhaqaalaha ay hay’aduhu helaan waa dhaqaale dalka Soomaaliya loogu talagalay, waana dhaqaale ay soo bixiyaan dadka canshuur bixiyayaasha ee wadamada dhaqaalaha bixiya dadkoodu ay soo bixiyaan” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

“Yeysan idinka hoos bixin inay muhiim tahay  in mar walba laga turjumo baahida dhabta ah ee shacabka reer Puntland ay leeyihiin, loona gudbiyo hay’addaha  waxa anagu aanu rabno iyo waxa ay siyaasadda dawladu ay tahay in wax lagu sameeyo, dhaqaalaha labixinayana cidna magan ugama tihiin waa dhaqalihii dalka loogu talagalay” Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa madaxda hay’addaha dawladda Puntland kula dardaarmay hadii ay arkaan in la soo bandhigo wax aan dadka iyo dalka Puntland dan ugu jirin inay joojiyaan islamarkaana cida soo bandhigtay u sheegaan inaan waxaan dan ugu jirin shacabka reer Puntland.

Mashaariicda hay’adda UNDP ay ka fuliso Puntland ayaa lagu wadaa in sanadkaan uu ka duwanaado sanadihii hore islamarkaana adeegyadooda ay gaarsiiyaan dhulka ka baxsan laamiga , maadama uu Madaxweynuhu ku amray madaxda hay’addaha inay laamiga ka dagaan oo adeegyadooda si siman Gobolada Puntland u gaarsiiyaan.

La xisaabtanka Dawladda ee hay’adda UNDP waxay ku timid balanqaadkii Madaxweyne Gaas ee ahaa in uu la xisaabtan dhab ah la yeelanayo dhammaan hay’addaha Dawladda iyo kuwa caalamiga ah ee ka howl-gala Puntland, waxaana halkaas ka cad in uu fulay balan qaadkaas.

-DHAMMAAD-

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %