Read Time:3 Minute, 38 Second
Mareeg.com: Munaasabada 55 aad ee sanadguurada ka soo wareegtay Aas aaskii Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeeed 12 April oo ee maanta lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Wasiirka Gaashaandhiga, wasiirka Warfaafinta, Wasiir ku xigeenada Gaashaandhiga iyo Warfaafinta, Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir, Safiirarada Qaar ka mid ah dalalka Caalamka u jooga Soomaaliya, Ururka haweenka Qaranka iyo Marti sharaf kale.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheikh maxamuud oo ay wehliyaaan xubno ka tirsan labada gole eee dowladda iyo saraakiisha Ciidanka ayaa waxaa uu salaam sharaf ka qaatay Ciidanka Banbeyda Xooga Dalka.
Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka ayaa waxaa ay madaxda ku hormareen socod iyagoo oo si aad ah u diyaarsan kuwaa oo laga dheehan karay sida ay u dhismayaan Ciidanka Xooga Madaxweynaha jamhuuriyadda ayaa eeganayay fantasyaha quruxda badan ee Ciidanku ay soo bandhigeen waxaa sidoo kale munaasabad lagu soo bandhigay Gaadiid Cusub oo nuucyo kala duwan leh oo ay heleen Ciidanku.
Mas’uuliyiin badan ayaa ka hadashay munaasabadaasi sida ku simaha taliyaha Ciidanka Booliska ku simaha Duqa Caasimada, taliyaha Asluubta iyo Taliyaha Hay’adda NISA kuwaas oo dhamaan hambalyo yiri Ciidanka Xooga iyo hogaankooda .
Taliyaha Ciidanka Xoga Dalka Gen Daahir Aadan Cilmi Indha qarshe ayaa ka hadlay Munaasabada waxaana uu sheeegay in ciidanku guulo waaweyn ka gaareeen dagaaladii ugu dambeeyay ee cadawga ay kula galeen Gobolada Dalka waxaana uu balan qaaday in dhawaan talisku soo bandhigi doono diyaaradaha dagaalka ciidanka cirka Soomaaliyeed.
Wasiirka warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa isagoo ku hadlayay magaca xukuumada waxaa uu hambalyo u diray ciidanka xooga waxaana uu ku amaanay Wasiirka Difaaca iyo Taliska Ciidanka dib u dhiska iyo tayeynta ciidanka.
Wasiirka difaaca Soomaaliya Janaraal Cabdul qaadir Sheikh Cali Diini ayaa isagu sheeegay in wasaaradu ay waqti galineyso dhismaha ciidan tayeysan waxaana uu carabka ku dhuftay in dhawaan wasaradu dhistay Gudiga isku dhafka Ciidanka oo tagi doono Gobolka kasta oo dalka ka mid ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa waxaa uu hambalyo u diray Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo Maanta 55 sano guurada ka soo wareeegtay markii la aas aasay la xusayo .
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ahna Taliyaha Guud ee ciidammada qaranka ayaa hambalyo u direy Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta u dabbaaldegaya sannadguuradii 55aad ee ka soo wareegtey tan iyo markii la aasaasey.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey munaasabad ballaaran oo ka dhacdey xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo lagu xusayey maalinta 12-ka April, ayaa sheegay in Ciidammada Xoogga Dalka ay baal dahab ah kaga jiraan taariikhda Soomaaliya, mar walbana u taagan yihiin inay dalkooda iyo shacabkooda u adeegaan.
“Dalna ma jiri karo, haddii uusan lahayn ciidan suga amnigiisa gudaha, kan xudduudaha badda iyo berriga, Soomaaliyana iyadoo taasi ka duuleysa ayay sannadkii 1960kii sameysatey mid ka mid ciidammadii ugu taya fiicnaa qaaradda Afrika. Maantana waxaa jirta baahi loo qabo ciidammo tayeysan oo shacabka ka hor leexiya inta yar ee ka harsan cadowga Al Shabaab’’ ayuu yiri Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda iyo waddamada saaxiibka la ah ay dadaal weyn u galeen dib u yagleelidda Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, balse weli ay wax badan dhimman yihiin.
‘’Wax badan way inoo qabsoomeen dhanka dib u dhiska ciidammadeena, laakiin wax badan ayaa qabyo inaga ah. Ciidankeenu weli waa curdan, ma haystaan agab iyo tababbaro ku filan, waxaadna la socotaan inaan inagoo dagaal ku jirno aan ku guda jirno dhismaha ciidammada. Waxaan idin caddeynayaa in muhimadda koowaad ee dowladda ay tahay dhismaha, tayeynta iyo daryeelka ciidammada Soomaaliyeed’’, ayuu yiri madaxweynaha.
Waxaa kale oo uu Madaxweynuhu ammaan u soo jeediyeyay waddamada ku jira Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM), dalalka Mareykanka, Turkiga, Imaaraadka Carabta iyo kuwa kale ee qeyb qaatey dib u dhiska ciidammada Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa waxaa uu ku boorriyey shacabka inay sii labanlaabaan taageerada laamaha amniga, isagoo dhanka kalena shacabka u xaqiijiyey in dowladda ay ka go’an tahay hirgelinta barnaamijka Hiigsiga 2016, isla markaana aanu jirin qorshe muddo kordhin ah oo dowladdiisu dooneyso.
Munaasabadaasi kadib waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud xarigga ka jarey isbitaalka Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka oo dayactir lagu sameeyay
Dhinaca Kale Madaxweynaha Jamhuuriyada waxaa uu kormeer ku tagay Isbitaalka Xooga oo dhawaan Taliska Ciidanku dib u hagaajiyay waxaana uu madaxweynuhu ku soo wareegay qaybaha isbitaalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shahaadooyin Gudoonsiiyay qaar ka mid ah maamulka iyo dhaqaatiirta isbitaalka oo dhawaan shaqo bilaabay.
Mareeg Media
Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame
Whatup :+447737886245
Happy
0
0 %
Sad
0
0 %
Excited
0
0 %
Sleepy
0
0 %
Angry
0
0 %
Surprise
0
0 %