Madaxweyne Xasan oo furay todobaadka dhir beerista * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne Xasan oo furay todobaadka dhir beerista

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay isu-soo-bax lagu daah furayay toddobaadka dhir beerista qaranka oo lagu qabtey magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan ayaa loogu diyaar-garoobayo maalinta dhirta oo ku beegan 17-ka April, ayaa Madaxweynaha waxaa uu taallada Daljirka Daahsoon ku beeray geed dhireed.

Waxaa qabanqaabada munaasabadda loo xil-saaray wasiir kuxigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga heerka Qaran ee loo xilsaaray qaban qaabada Munaasabadahaas, Cabdinaasir Gaarane Maxamed ayaa waxaa uu ka hadlay muhiimada dhirtu u leeedahay bulshada Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in bulshada ay u istaagto beerista dhirta.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Soomaaliya, Axmed Xasan Gaboobe Ugaas Bile ayaa waxaa uu wax lagu farxo ku tilmaamay in la gaaray waqti dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay isla gartaan Muhiimada dhirtu leedahay.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa ka hadlay muhiimada dhirtu u leedahay noole kasta, waxaana uu ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in qof kastaa uu geed beero, taasoo qayb ka qaadan karta dib u nooleynta Qaranka.

“Dhirtu waxay muhiim u tahay nolosha aadamiga, xoolaha iyo in degaanka la dhowro, dowladdu waxa ay waddaa barnaamij ballaaran oo deegaanka wax looga qabanayo, kaas oo aan ka duwaneyn barnaamijyada dib u dhiska dalka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

IMG_7565

unnamed (14)

IMG_7693IMG_7687IMG_7600IMG_7634unnamed (13)unnamed (12)

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!