Wafdi ka socda dowlada oo gaaray Cadaado (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wafdi ka socda dowlada oo gaaray Cadaado (Sawirro)

Mareeg.com: Wafdi ka socda Wasaaradda  Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya iyo xubno ka socda guddiga maamul u sameynta gobollada  Mudug iyo Galgaduud, ayaa gaaray degmada Cadaado.

Wafdiga ayaa waxa hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya, Cali Abtidoon Xalane iyo guddoomiye ku xigeenka guddiga farsamada maamul sameynta labada Mudug iyo Galgaduud.

Kornel Cabdi Maxamed, Madaxwayne ku xigeenka Ximan iyo Xeeb ayaa wufuudan ku soo dhaweeyay magaalada Cadaado.

Maxamed Xaashi Carabey guddoomiye ku xigeenka guddiga farsamada ayaa sidoo kale sheegay in gudigii farsamada ay maanta intooda badan ay Cadaado yimaadeen hawshoodana bilaabayaan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda arrimaha gudaha Cali Abtidoon Xalane  ayaa isna sheegay in uu hordhac u yahay wufuud badan oo ka socda dawlada Soomaaliya oo Cadaado ku soo wajahan,

Shirka maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud oo lagu weday inuu maanta ka furmo Cadaado ayaa dib u dhac ku yimid, kadib markii ay maqnaadeen oo aysan weli gaarin Cadaado qaar ka mid ah ergooyinka halkaas laga rabay.

DSC03371

DSC03370

DSC03373DSC03377DSC03383DSC03386DSC03388DSC03392DSC03393DSC03395DSC03397DSC03398DSC03399

Isha: RM

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.