Wiil uu dhalay C/raxmaan Faroole oo dilay hooyadiis * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wiil uu dhalay C/raxmaan Faroole oo dilay hooyadiis

Mareeg.com: Waxaa maanta Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland lagu dilay Amina Abiib Cilmi, oo ahayd afada Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole).

Amina Abiib Cilmi, ayaa waxaa la soo sheegayaa in uu dilay wiil ay dhashay, laguna magacaabo Cumar C/raxmaan Maxamed Maxamuud.

Ciidamada Booliska Puntland oo ku baxay goobta uu dilku ka dhacay, ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen Cumar C/raxmaan, waxaana lagu xiray saldhig ku yaala Magaalada Garoowe.

Ilaa iyo hadda si buuxdo looma garanayo waxa keenay in Cumar uu hooyadii uu rasaas ku dilo, hase ahaatee laamaha ammaanka ee Magaalada Garoowe, ayaa baaritaano la xiriira wada.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!