Read Time:2 Minute, 7 Second
Abijan: Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya ayaa Shirweynaha Ururka Caafimaadka Xoolaha iyo FAO ee ka hortaga Cudurada Faafa uga qayb galay dalka Ivory Coast
Shir ay si wadajir usoo qaban qaabiyeen ururka Caalamiga ah ee Caafimaadka Xoolaha (OIE) iyo Heyada Qaramada Midoobay ee Cuntada iyo Beeraha(FAO) iyo Ururka Midowga Africa ee Caafimaadka Xoolaha (AU-IBAR) ayaa lagu soo gabagabeeyay Magaalada Abijan ee Dalka Ivory Coast.
Shirka waxaa ka soo qayb galay Madax farabadan oo kasocota ilaa 70 dal oo ay hormuud ka yihiin Wasiirada Xanaanada Xoolaha ee wadamadaasi, waxaana shirka Furay Raiisal Wasaaraha Dalka Ivory Coast H.E Mr Daniel Kablan Duncan, Waxaa kasoo qayb galay madaxa FAO Jose Graziano da Silva iyo Madaxa OIE Dr.Bernand Vallat, Madaxa AU-IBAR Dr.Ahmed Alsawalhy iyo Wasiirada Xanaanada Xoolaha ee dalalka Africa iyo Asia.
Soomaaliya Waxaa Shirka uga qayb Wafdi balaaran oo uu hogaaminayay Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Mudane Siciid Xuseen Ciid oo ay weheliyaan Agaasiimaha Caafimaadka Xoolaha Wasaarada Dr. Ahmed Abdi Geedi, Drs. Xabiiba Shiikh Xasan, Drs. Nuurta Shiikh Maxamud, Dr.Maxamed Abdi Rooble iyo Kaaliya Wasiirka Liibaan Xasan Xaaji.
Soomaaliya ayaa Shirka waxuu u aqoonsadey inay horumar weyn ka gaartay talaalka xoolaha iyo ka hortaga cudurada, iyadoo Madaxa FAO uu si gaar ah ugu amaanay arintaas khudbadii uu shirka ka jeediyay.
Wasiirku kulamo muhiim ah kula yeeshay si gaar gaar ah goobta Shirka Madax kala duwan oo ay ugu horeeyaan Madaxda FAO iyo OIE oo si weyn uga wada hadleen sidii loo sii balaarin lahaa kaalmada Heyadaha Caalamiga ah kubixiyaan horumarinta Caafimaadka Xoolaha iyo Mashaariicda la xiriirta,waxay ku gaareen heshis weyn iyadoo lagu balamay in la kordhiyo mashaariicda ay ka wadaan Soomaaliya, sidoo kale waxuu kale halkaas kulamo muhiim ah kula yeeshay madax ka socota Bankiga Aduunka qaynta Xoolaha,Bankiga Afirca ee Horumarinta iyo Wakiilada wadamada aan la wadaagno xiriirka Ganacsiga iyo isdhaafsiga khibradeed.
Waxaa kale oo Wasiirku si gaar ah isku arkeen Wafuuda kasocotay dalalka Suudaan, Cumaan, Muritaaniya, Liibiya, Masar, Moroco, DRC, Ugandha, Turkiga iyadoo dhamaan ay ka wada hadleen iskaashiga dalalkaas iyo Soomaaliya.
Gabagabadii Shirka waxaa laga soo saaray bayaan lagu xoojinayo la dagaalanka Cudurka PPR oo lagu heshiiyay in 15-ka sano ee soo socota laga cirib tiro aduunka, cudurkaani waxuu ku dhacaa ariga iyo idaha waxaana uu khatar ku hayaa boqolaal milyan oo qoys oo noloshoodu ku xiran tahay dhaqada ariga taasoo hadaan laga hortagin khatar ku ah cuntada iyo nafaqada dadweynaha aduunka, Soomaaliya si gaar ah ayaa loo aqoonsadey inay tahay goob muhiim ah oo laga ciribtiri karo cudurkaas halista ah.
Madaxa Xafiiska Warfaafinta Wasiirka X.Xoolaha
Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame
Whatup :+447737886245
Happy
0
0 %
Sad
0
0 %
Excited
0
0 %
Sleepy
0
0 %
Angry
0
0 %
Surprise
0
0 %