USA oo Masar ku wareejineysa 12 diyaaradaha F16

Read Time:50 Second

Mareeg.com: Madaxweynaha dalka Mareykanka, Barack Obama ayaa dalka Masar u fasaxay heshiis uu horay USA ula galay, kaasoo dhigayey in milateriga dalkaas laga iibiyo 12 diyaaradood oo ah nuuca F16 ee sida xun wax u duqeysa.

Madaxweynaha Mareykanka, Obama oo takeefoon kula hadlay dhigiisa Masar, Abdilfatah Al-sisi ayaa u sheegay in loo ogolaaday in lagu soo wareejiyo 12-kaas diyaaradood oo Mareykanka wareejintooda hakiyey bishii October ee sanadkii 2013, iyadoo Masar lagu eedeeyey iney ku tumato xuquuqda Aadanaha.

War kasoo baxay Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa lagu xaqiijiyey in madaxweyne Obama gaarsiiyey dhigiisa Masar, Al-sisi in diyaaradahaas lagu soo wareejin doono.

Isbadelka ku yimid mowqifka Mareykanka ayaa la sheegay inuu dhashay kadib markii dalka Masar uu wajahay rabshado uga imaanaya kooxo Islaamiyiin ah oo ku sugan gobolka Siinaa iyo dalka la deriska ah ee Liibiya.

Sidoo kale, Masar ayaa ku lug leha weerarada xagga cirka ah ee Isbaheysiga Carabta ee Sacuudigu hogaaminayo ay ku hayaan Xuuthiyiinta dalka Yemen oo maanta galay maalintii 7-aad.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %