Uganda oo iska ilaalineysa weerarro Alshabaab

Read Time:52 Second

Mareeg.com: Dowladda Uganda ayaa sheegtay inay si aad ah u adkeysay ammaanka dalkeeda, kaddib markii ay heshay hanjabaadyo uga timid Al-shabaab, horayna ay safaaradda Mareykanku uga digtay.

Afhayeenka millateriga Uganda Paddy Ankunda ayaa sheegay inay jiraan warar la helayo oo sheegaya in Al-shabaab oo horay qaraxyo uga geysatay Kampala ay isku dayayaan inay marka qaraxyo ka geystaan.

“Mar hore ayaan helnay hanjabaay, innaguna waxaan talooyin siinnay shacabka,” ayuu yiri Ankunda.

“Waxaan diyaar u nahay inaan ka hortagno wax walba oo khatar ku ah dalkeenna iyo dadkeenna” ayuu sidoo kale ayuu yiri Ankunda.

Ankunda ayaa sheegay in khatarta kusoo wajahan dalkooda ay u arkaan inay tahay mid aad u hooseysa, balse ay dublamaasiyiinta reer galbeedka ah ee waddanka Uganda ku sugan ay meel-sare gaarsiinayaan khatarta.

Safaaradda Mareykanka ee Uganda ayaa dhawaan uga digtay muwaadiniinteeda khatar uga imaan karta gudaha dalkaas.

Xarakada Al-shabaab ayaa sannadkii 2010-kii laba qarax oo ismiidaamin ahaa ka geystay magaalada Kampala, qaraxyadaas oo ay ku dhinteen 76-qof oo u badan dad daawanayay ciyaaro kubadda cagta ah.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.