Madaxweyne ku-xigeenka Ciraaq oo ka digay taageerada Iran siiso Shiicada * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyne ku-xigeenka Ciraaq oo ka digay taageerada Iran siiso Shiicada

Mareeg.com: Madaxweyne ku-xigeenka dalka Ciraaq, Ayad Allawi ayaa muujiyey sida uu uga welwelsan yahay awooda Iran ee kusii kordheysa dalkiisa.

Iran ayaan taageero milateri siida in ka badan 20 oo Maleeshiyaat Shiico ah, kuwaasoo ka barbar dagaalamaya ciidamada Ciraaq ee la hardamaya dagaalyahanada Khalaafada Islaamiga ah ama Daacish.

Calaawi oo wareysi gaar ah siiyey BBC, laanta Afka carabiga ayaa ugu baaqay Mareyka iyo dowladaha kale ee reer galbeedka iney xoojiyaan la dagaalanka Daacishi.

“Dowladihii riday Sadaam Xuseen waxaa looga baahanyahay iney burburriyaan Daacish, oo halis ku aha Yurub” ayuu yiri Allawi.

Wuxuu geesta kale, Calaawi sheegay in maleeshiyaadka faraha badan ee Shiicada ah ee ka barbar dagaallamaya milateriga Ciraaq ay sii xoojinayaan kala qeybsanaan dhanka qolo-qolada ah ee ka jira Ciraaq.

“Ciraaq uma baahna in qolo gaar ah guuleysato, ee wuxuu u baahan yahay guul siyaasaddeed” ayuu sidoo kale yiri Allawi.

Maleeshiyaadka Shiicada ah ayaa laga cabsi qabaa iney aargoosi ka sameeyaan magaalada Tikrit, halkaasoo ay degan yihiin dadka Suniyiinta.

Magaalada Tikrit waxaa sanadkii hore Daacish ku gumaaday ilaa 700 askari oo u badan Shiico, ka tirsanaa milateriga dalkaas.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!