Madaxweynaha Soomaaliya oo Sharma Sheikh kula hogaamiyaha Falastiin * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya oo Sharma Sheikh kula hogaamiyaha Falastiin

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Sharma Sheikh ee dalka Masar kula kulmey Madaxweynaha Maamulka Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas Abu Mazin oo ka mid ah madaxda ka qeybgaleysa shirka caalamiga ah ee dhaqaalaha iyo maalgashiga Masar.

Labada madaxweyne ayaa kulankooda kaga wadahadley xoojinta xiriirka labada dhinac, xaaladaha Bariga dhexe iyo arrimo kale oo la xiriira amniga caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxweynaha Falastiin uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya iyo barnaamijyada la doonayo in lagu xaqijiyo sidii dib ay Soomaaliga cagaheeda isku taagi lahayd.

“Maadaama aan haatan ka soo kabaneyno dagaaladii sokeeye, waxaan aaminsanahay in Soomaaliya iyo Falastiiniyiinta uu xiriirkooda sii xoogeysan doono, aana sii wadno taageerada qadiyadda Falastiin oo aan weligeen safka hore kaga jirney’’ ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha Falastiin ayaa isna kulankaasi uga warbixiyey xaaladda dhulka Falastiiniyiinta iyo qorshaha nabadda Bariga Dhexe.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wadahadley doorka Jaamacadda Carabta iyo waddamada xubnaha ka ah ay ka qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xalinta mashaakilaadka ka jira dalalka Carabta qaarkood.

Soomaaliya ayaa muddo dheer garab taagneyd qadiyadda reer Falastiin, inkastoo dalka ay isna ragaadiyeen colaado sokeeye iyo kuwa fikir ku qotoma.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!