Markab lo' ka qaaday Soomaaliya oo ku degay biyaha dalka Cumaan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Markab lo’ ka qaaday Soomaaliya oo ku degay biyaha dalka Cumaan

Mareeg.com: Markab lo’ badan ka qaaday dalka Soomaaliya, kuna sii jeeday dalka Imaaraadka Carabta ayaa ku quusay biyaha Ras Alhad ee koonfur bare Wadanka Cumaan, sidaas waxaa qoray bogga wararka dedega ah ee dalka Imaaraatka, http://news.emaratyah.ae/.

Warbaahinta Carabta ayaa qortay in markabkaas ay shalay duufaano kula dhufteen biyaha dalka Cumaan, uuna ciirsaday dhanka xeebta, hase ahaatee uu quusay.

Markabka ayaa siday 350 neef oo lo’ ah, waxaana la sheegay inuu iska lahaa muwaadin u dhashay Imaarada Cajmaan ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, halka shaqaalaha la socday ay ahaayeen reer Pakistan.

Dhamaan xoolihii iyo shaqaalihii saarnaa markabka ayaa labadbaadiyay kadib gurmad ilaalada xeebaha Cumaan Markabkaasi ay ufidiyeen ilaa iyo haatana majiro Khasaare lasoo wariyay, hase ahaatee markabka ayaa biyaha galay kadibna burburay.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in lo’da Somalia laga qaaday ay si layaab leh xeebta uga soo dabaalatay biyaha, iyadoo ka yaabisay dadkii gurmadka markabka dhankiisa u aaday.

Lo’da ayaa lagu yaqaanaa marka ay biyaha ku dhacdo iney seynta kor u qaadato, kadibna dabaalato, iyadoo inta badan biyaha ka badbaadda haddii aysan seynta ka qoyin.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!