Baarlamanka Soomaaliya oo raadinaya ciddi badeli laheyd xildhibaano dhawaan la dilay

Mareeg.com: Gudoonka baarlamaanka Soomaaliya, ayaa dalbaday in la soo buuxiyo boosaska 4 xildhibaan oo geeriyootay, kuwaasoo ka tirsanaan Golaha Shacabka.

Saddex ka mid ah xildhibaanada gudoonka baarlamaanka dalbaday in boosaskoosa lasoo buuxiyo waxaa lagu dilay Muqdisho, halka kan afaraad uu si caadi ah u dhintay.

Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, Jeylaani Nuur Iikaar ayaa odayaasha ay kasoo jeedaan afartaas xildhibaan u diray warqad uu uga dalbanayo iney xildhibaano cusub la yimaadaan.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan sheegay in tirdada baarlamaanku aysan ka yaraa doonin 275 oo xildhibaankii Alshabaab dilaan mid kale lagu soo badeli doono.

Fur qoraalka hoose si aad u aqriso magacyada xildhibaanada dhintay ee boosaskooda la raadinayo oo labo ka mid jimcihii hore ay ku geeriyoodeen qaraxii Hotel Central ee Muqdisho.

Soo-Buuxin-Kuraas-Banaan