Booliska Kenya oo shaaciyey tirada dadkii Alshabaab dishay sanadkii 2014 * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Booliska Kenya oo shaaciyey tirada dadkii Alshabaab dishay sanadkii 2014

Mareeg.com: Booliska dalka Kenya ayaa maanta shaaciyey warbixin ku saabsan dadkii Kenyanka ahaa ee sanadkii lasoo dhaafay Alshabaab ku dileen gudaha dalkaas.

War ka soo baxay ciidanka booliska Kenya, ayaa lagu sheegay in 173 qof oo Kenya ah gudaha dalkaasi lagu dilay sanadkii 2014-ka, kuwaasi oo ku baxay gacanta Al-shabaab.

Dadka Alshabaab ku dileen gudaha Kenya sanadkii 2014 ayaa ka badan tiradii ay dileen sanadki 2013, xilligaasoo xarrunta ganacsiga Westgate oo kaliya lagu dilay 67 ruux.

Tirakoobkan oo maanta oo arbaco ah la shaaciyay ayaa lagu xusay in 312 qof lagu dilay gudaha Kenya illaa sannadkii 2012-kii, iyadoo la dhaawacay muddadaas 779 qof.

Xarakada Alshabaab ayaa markii Kenya ay ciidamadeeda u dirtay Soomaaliya dabayaaqadii sannadkii 2011, waxay ballan ku qaadday inay weerarayaan dalkaas, iyagoo dhowr jeer ka tallaabay xadka Kenya halkaasna ka fuliyeen dilal iyo weliba qaraxyo qorsheysan.

Weerarada Alshabaab ee dadkaas lagu laayey ayaa intooda badan waxey ka dhaceen deegaanka Lamu ee Xeebta, deegaanka Mandhera, Mombasa iyo Nairobi.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!