Duceysateene, dadkiinu ma idiin duceeyey? * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Duceysateene, dadkiinu ma idiin duceeyey?

Mareeg.com: Xalay sheeko kale oo raqiis ah ayaa kasoo yeertay Villa Somalia, waxey aheyd shir dedeg ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirada Soomaaliya, uuna shir gudoomiyey madaxweyne Xasan Sheekh.

Shirkaas ayaa la yiri waxaa lagu lafa-guray qaraxyadii hotel Central ee dadka badan ee Masjidka kasoo baxay lagu xaquusay.

Sidii loo filayey, waxey dowladdu ku dhawaaqday guddi magac u yaal ah, kaasoo la leeyahay wuxuu soo baarayaa sidii qaraxu u dhacay iyo sida gaariga qarxay ku gaaray gudaha hotelka.

Wasiirka cusub ee Amniga, C/razaaq Cumar Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la dhisay guddi ka kooban:-

1- Wasiirka Aminga C/razaaq Cumar Maxamed.

2- Wasiirka Arrimaha Gudaha, C/raxmaan Odawaa.

3- Wasiirka Caafimaadka, Xaawa Xasan Maxamed

4- Wasiirka difaaca, Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini.

5- Gudoomiyaha gobolka Banaadir, Xasan Muungaab.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in la dhisayo guddi farsamo oo hoos u baara weerarkaas. Dowlada ayaa horay looga bartay iney dhisto guddiyo soo baara weerarada dhaca, hase ahaatee weli lama arag natijoo ay soo saareen!

Markii xalay ay shireen Golaha Wasiirada oo uu la joogay madaxweyne Xasan waxey warbaahinta kasoo muuqdeen iyagoo gacmaha hoorsana oo duceysanaya, waxaase is weydiin mudan madaxda Soomaaliyeed maka duceysteen dadkooda?

Dadka Soomaaliyeed waxaa xilligaan heysta xaalad adag, waxaa dalka ka jira dhaqaale xumo, madaxduna waxey dhex muquuranayaan barwaaqo haddii shacabka wax laga gaarsiin lahaa wax badan u tari laheyd.

Xaaladda iska xun, madaxduna aysan duco ka heleyn shacabkooda ayaa waxaa kasii daran in madaxdu aysan ku filneyn amaankooda, ee ay ku mashquulsan yihiin is-qabqabsi dhexdooda ah.

Tan kale, ee la yaabke leh ayaa ah in madaxda jirta ayba u egyihiin dad ku nool dal nabad ah, uma muuqdaan kuwa daqiiqad kasta ay raadsanayaan dad doonaya iney dhulka ka hoos mariyaan!.

Iyagoo sidaas ah ayaa waxaa usii dheer habaarka laga yaabo iney kusoo ridayaan dadka baahaan ee ku nool qeybaha kala duwan ee dalka, kuwaasoo maqlaya in dalka la keeno kaalmo badan, haddana aysan jirin wax soo gaaraya ama ay yaryihiin waxa soo gaara.

Markaad isu eegto nolosha haataan ka jirta Muqdisho oo ah magaalada ugu dhaqaalaha roon dalka waxaad dareemi kartaa in xaaladdu iska adagtahay, hase ahaatee xaalku sidaas kuma aha madaxda dowladda.

Xaalka iyo Xaajaba Allaha suubiyo, Soomaaliyana Nabad iyo Cadaallad Alle ha usoo hooyo.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!