RW hore Cabdiweli Sheekh Axmed oo Muqdisho loogu doortay gudoomiyaha madal siyaasadeed (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

RW hore Cabdiweli Sheekh Axmed oo Muqdisho loogu doortay gudoomiyaha madal siyaasadeed (Sawirro)

Mareeg.com: R/wasaarihii hore ee Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa Muqdisho loogu doortay gudoomiyaha Madasha Midnimada Dimoqoraadiyada Soomaaliyeed.

Doorashada xilkaad loo doortay RW hore C/weli Sheekh Axmed ayaa timid kadib kula labadii maalmood ee la soo dhaafay u socday madal ay ku mideysanaayeen siyaasiyiin, aqoonyahano, Xisbiyada siyaasada, kudlooyin ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka labadaas maalmood socday ayaa gebagebadii la sikula gartay in la dhiso Madal loogu magacdaray “Madasha Midnimada Dimoqoraadiyada Soomaaliyeed”.

Gudoomiye ku xigeen 1aad ee Madasha ayaa loo doortay Dr Cabdiraxmaan Macalin Cabdulaahi (Baadiyow), waxaa sidoo kale Gudoomiye ku Xigeenno kale loo doortay siyaasiyiinta kala ah: Xuseen Carab Ciise, Dr Cabdishakuur Shiikh Xasan Fiqi, halka Xoghayaha Guud  loo doortay Dr Cali Maxamed Maxamuud (Cali Xareed).

Gudoomiyaha Madasha Midnimada Dimoqoraadiyada Soomaaliyeed Dr Cabdiweli Shiikh Axmed oo gaba gabadii khudbad ka jeediyay kulanka ayaa sheegay in Madashu aysan cidna cadow ku ahayn, isla markaana wixii wanaag ah ay kula shaqeynayaan dowladda Soomaaliya, hadii ay ahaayeen wixii tallo iyo naseexo ah.

Ugu dambeyntii waxaa hadalo kooban ka jeediyay kulanka, xubnihii la doortay, waxayna dhamaantood ka sinaayeen in Madasha Midnimada Dimoqoraadiyada Soomaaliyeed ay ku hogaamin doonaan si Soomaalinimo iyo Cadaalad.

Sidoo kale waxay sheegeen in Madasha ay u furantahy Mawaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan laguna soo dhaweynayo gacmo furan.

Siyaasiyiinta ku midoobay Madashaan ayaan u muuqda kuwa dhaliilsan qaabka ay haatan u shaqeyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee uu madaxda ka yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!