Xildhibaan horay uga tirsanaa baarlamanka Kenya oo la dilay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xildhibaan horay uga tirsanaa baarlamanka Kenya oo la dilay

Mareeg.com: Dabley hubeysan ayaa xalay saqdii dhexe deegaanka Syokimau ee gobolka Machakos ee dalka Kenya ku toogtay xildhibaan horay uga tirsanaa baarlamaanka dalkaas, kaasoo la oran jiray, Philip Godana.

Gur

Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in koox hubeysan oo aan la garanayn ay ugu dhaceen gurigiisa 2:00 habeenimo ee xalay waqti ay isaga iyo qoyskiisuba jiifeen dabadeedna ay ku fureen xildhibaankan hore rasaas, taasoo keentay inuu iska goobta ku dhinto.

Gurww

Weerarkaasi waxaa ka badbaaday xaaska iyo saddex caruur ah oo uu dhalay ninka la dilay. Ragga weerarka geystay waxay hoygaasi ka qaateen hanti la sheegay in ninkaasi uu lahaa.

Hay’adaha amniga Magaalada Nairobi oo ku baxay hoygiisa, ayaa waxay ka sameeyeen baaritaano la xiriira qaabka uu weerarku u dhacay. Sidoo kalana waxay su’aalo weydiiyeen xaaskiisii iyo caruurtii uu dhalay.

Taliyaha booliiska gobolka Machakos, Gideon Amalla ayaa saaka booqday guriga xildhi-baanka hore ee toogashada lagu dilay, isagoo suxufiyiinta u sheegay inuu uga tacsiyeynayo qoyska dilka Godane.

“Waxaan ka tacsiyeynayaa dilka xildhhibaankan hore P. Godane oo laga soo dooran jiray deegaanka Moyale, Alle waxaan ka baryay inuu qoyskiisa ka caawiyo murugada lasoo gudboonaatay,” sidaa waxaa yiri Ukur Yatanni oo ah guddoomiyaha deegaanka Marsabit.

Yatanni ayaa xukuumadda Kenya ugu baaqay in laga hortago kooxaha dilka ka geysanaya deegaannada ku dhow xuduudaha, wuxuuna xusay in dilkan uu qayb ka yahay falal amaan-darro oo ka dhacayay gudaha dalka Kenya.

Lama oga ilaa hadda cidda dilkaas geystay, mana jirto cid sheegatay, hase ahaatee waxaa jira warar sheegaya in kooxda weerartay guriga mas’uulkaas ay doonayeen iney dhax geystaan balse mas’uulku is difaacay, kuna dhintay is rasaaseynta.

7-dii bishaan waxaa Magaalada Nairobi lagu dilay George Muchai oo ka tirsanaa Xildhibaanada Baarlamaanka Kenya.

Dilka Xildhibaankaasi waxaa loo soo qabtay hal nin oo Khamiistii ka soo muuqday Maxkamad ku taala Nairobi.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More