Puntland oo soo bandhigtay dad iyo gaadiid lagu qabtay weerar xalay ka dhacay Boosaaso (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Puntland oo soo bandhigtay dad iyo gaadiid lagu qabtay weerar xalay ka dhacay Boosaaso (Sawirro)

Mareeg.com: Maamulka Puntland ayaa maanta magaalada Boosaaso kusoo bandhigay meydad iyo rag dhaawac ah iyo gaadiid, kuwaasoo ay sheegeen iney fuliyeen weerar xalay koox hubeysan ku qaaday bar ciidamada amaanku ku lahaayeen magaalada Boosaaso.

Ciidamada ayaa soo bandhigay maydadka labo qof oo ku geeryooday dagaalka oo sida ciidanku sheegay  ka tirsaan maleeshiyada dagaalka soo qaaday, hub kala duwan iyo gaadiid ay wateen oo gaaraya 5 oo mid ka mid ah rogmaday, burbur weynna gaaray.

Taliyaha Ciidamada Puntland, Gen Maxamed Saciid Jaqanaf ayaa faafaahiyey qaabka ay wax u dhaceen isagoo xusay in ragga weerarka soo qaaday oo ka tirsanaa Al-shabaab ay isu qaybisay labo, qayb weerarka soo qaaday iyo qayb gurmad ku timid.

Taliyaha ayaa sheegay in weerarka hore uu ku dhintay askari ka tirsan ciidamada Puntland iyo mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday.

Gen Jaqanaf ayaa sheegay in kooxdu ay ku baxsatay gaari NOHA ah, kadibna ciidamadu cayrsadeen ilaa uu gaarigu uu ka rogmao, halkaan uu ku dhintay mid ka mid afar qof oo saarnaa gaarigaas.

Taliye Xigeenka Ciidamada Puntland Gen Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay in ragan ay gacan ka helaan Maamulka Somaliland iyo dad ku sugan gudaha Puntland oo isugu jira ganacsato iyo dad u shaqeeya maamulka Puntland.

Mid ka mid ah raggii la socday gaariga qalibmay oo kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ay sheegay inuu ka tirsan yahay Alshabaab, uuna ka shaqeynayey Labaajo gaadiid lagu dhaqo oo ku taalla Boosaaso.

Marka la eego sawirrada dadka maamulka Puntland soo bandhigay, waxey kasoo wada jeedaa Koonfurta Soomaaliya, taasoo shaki geli karta qaabka dadkaas lagu soo qabtay.

Xalay ayay aheyd markii koox hubeysan ay weerar ku qaadeen xarrun ciidamada maamulka Puntland ku leeyihiin Boosaaso, waxaana halkaas ku dhintay hal askari dhowr kalana wey ku dhaawacmeen.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!