Madaxweynaha Zimbabwe oo ku dul kufay rooga cas ee garoonka Harare (Sawirro)

Read Time:48 Second

Mareeg.com: Madaxweynaha dalka Zimbabwe ee wayeelka ah, Robert Mugabe ayaa kufay xilli uu ka degay garoonka diyaaradah caasimadda dalkiisa ee Harare.

Robert Mugabe ayaa ka laabtay dalka Itoobiya, isagoo halkaas dabayaqaadii Janaayo 2015 uga qeybgalay shir madaxdedka dalalka Midowga Afrika.

Madaxweyne Mugabe ayaa isagoo ku dul socda rooga cas ee madaxda loo fidiyo ayaa mar qura kufay, waxaana durba la booday oo dhulka ka qaaday rag farabadan oo isugu jiray ilaalo, baratakool iyo mas’uuliyiin.

Mugabe, oo jira waxaa dhawaan loo doortay gudoomiyaha wareegga ah ee Midowga Afrika, waxaana la dilayaa inuu 21-ka bishaan February u dabaaldego sanadguuradiisa 91-aad.

Robert Mugabe waa siyaasi muddo hayay xilka madaxweynaha dalka Zimbabwe, wuxuuna si adag uga soo horjeeda madaxda dalalka galbeedka.

Siyaasiyiin badan oo isaga kasoo horjeeda ayaa qaba inuusan dalka hogaamin karin maadaama uu waayeel noqday, islamarkaana uusan caafimaadkiisu wanaagsaneyn.

Sidoo kale, markii uu qabanayey xilka Gudoomiyaha Midowga Afrika ayaa waxaa su’aalo badan laga keenay sida uu howshaas u qaban karo.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.