Wasiirka magacaaban ee difaaca Soomaaliya, Jen. Diini oo ka degay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Wasiirka magacaaban ee difaaca Soomaaliya, Jen. Diini oo ka degay Muqdisho

Mareeg.com: Wasiirka magacaaban ee Difaaca Soomaaliya Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo ku noolaa dalka Mareykanka ayaa maanta lagu soo dhaweeyay garoonka Diryaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

C/qaadir Sheekh Cali Diini oo horay u ahaa taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweyay saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaas oo ay kamid ahaayeen Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. Indhaqarshe iyo saraakiil kale.

Jen. Diini ayaa ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada magacaaban ee qabayada ee uu dhawaan magacaabay RW Cumar C/rashiid.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.