Sirdoonka Soomaaliya oo ka hadlay duqeyn lala beegsaday sarkaal Alshabaab ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sirdoonka Soomaaliya oo ka hadlay duqeyn lala beegsaday sarkaal Alshabaab ah

War saxaafadeed ka soo baxay Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ayaa lagu sheegay in Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay weerar xaga cirka ah oo dhacay 31-dii Janaayo, kaasoo ka dambeeyay wada shaqeyn dhex martay Sirdoonka Soomaaliya iyo Saaxibo caalami ah.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in Sarkaalka weerarkaas lagu dlay lagu magacaabayay Cabdi Nuur Mahdi, balse Shabaabka gudihiis looga yaqaano Yuusuf Dheeg, isla markaana isticmaala magacyo kala duwan.

“Horjoogahan lagu magacaabo Cabdi Nuur Mahdi, wuxuu isticmaalaa magacyo badan, waxay kooxda Shabaab u taqaanay Yuusuf Dheeg, wuxuu qaabilsanaa isku dubaridka iyo qorsheynta weerarada gaadmada ee gudaha Soomaaliya iyo dalalka dibada lagu qaado, isagoo sidoo kale ah maskaxda ay ku duulaan kooxda”ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

Sidoo kale waxaa war saxaafadeedka lagu sheegay in Sarkaalkan lala dilay saraakiil kale oo ku geeriyooday duqeyn ka dhacday meel ku dhow degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

“Wuxuu diyaarin jiray Qaraxyada isugu jira is qarxinta isla markaana waxaa sidoo kale la aaminsan yahay inuu ahaa udub dhexaadka Horjoogayaasha fara ku tiriska ah ee kooxdaas sii burbureysa ee Al-Shabaab ka haray”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca Mareykanka John Kirby ayaa sheegay in weerarka ay Sabtidii fulisay diyaarad aan duuliyaha laheyn lagu beegsaday Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, inkastoo aanu xaqiijin in weerarkaas lagu dilay iyo in kale.

Mareykanka ayaa kordhiyay weerarada ka dhanka ah Saraakiisha Al-Shabaab, iyadoo muddo lix bilood gudahood weeraro cirka ah lagu dilay Saraakiil sare sare oo uu ku jiro Hogaamiyihii Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane oo bishii September la dilay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!