BEYDHABO:- magaca xildhibanka Misaanka leh ee kusoo kordhay NabadIyoNolol & Sida ay codadka loo kala heleen

Beydhabo (Mareeg News) Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka baay waxaa ka dhacday doorashada kursi ka banaanaa golaha shacabka oo uu ka geeriyooday Xildhibaan Khaliif Sheikh Cabdullaahi.

 

Doorashada oo lagu soo gabo gabeeyay magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku tartamayay afar musharax, waxaana kusoo baxay xildhibaan Cabdullaahi Sheikh Maxamed.

 

Musharixiinta ayaa codadka u kala helay sidan:

 

Cabdulaahi Sheikh Maxamed 34 cod

 

Isxaaq Khaliif Sheikh 4 cod

 

C/qaadir Sheikh Maxamed Nuur 2 cod

 

Xasan Macalin Ibraahom 0 cod

 

Ugu dambeyn guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in Cabdullaahi Sheikh Maxamed uu noqday xildhibaanka kusoo baxay doorashadii ka dhacday magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

HAlALKAAN RIIX SI AAD U BOOQATO BOGA HORE EE MAREG.COM OO AAD KA HELI DONTO WARAR IYO XOGO XIISA LEH.

                Riix gambaleelka ka muuqda qeeybta midig ee websetka  si  laguugu soo diro wararka mareeg.com isla marka ay soo dhacaan