Sawirro: Xuska dhalashada Nabiga oo lagu qabtay Markazka Sheekh Cusmaan Xidig ee Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Sawirro: Xuska dhalashada Nabiga oo lagu qabtay Markazka Sheekh Cusmaan Xidig ee Muqdisho

Mareeg.com: Waxaa shalay Markazka Sheekh Cumaan Xidig ee degmada Kaaraan ee Muqdisho lagu qabtay munaasabad lagu xusay dhalashada nabigeenna Muxamed ah Nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

Munaasabaddan waxaa qabtay Xerta Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar “Xidig” ee wax kusoo bartay Masjidka Al-zaahir ee degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Xuska dhalashada Nabiga NNKH waxaa kasoo qeybgalay Culumaa’udiin, xer, aqoonyahano iyo marti sharaf, waxaana laga jeediyey ilaa 6 muxaadaro oo looga hadlay Nabigeenna Muxamed ah Nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

Culimada halkaas muxaadarooyinka ku saabsan siirada Nabiga (Nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee) ka jeediyey ayaa kala ahaa:- Sheekh Shariif Maxamed Cumar, Sheekh Sadyid Sheekh Abba Cali, Sheekh C/fataax Faarax, Sheekh Maxamed Daa’ud Maxamed, Sheekh C/naasir Cali Xuseen iyo Sheekh Shariif Jownaxood.

Intii munaasabaddu socotay waxaa xerta ka qeybgalay xuskaas qiimaha badan ay qaadayeen Salliga Rasuula Sallallahi Caleyhi Wasllama, iyo qasiidooyin Nabi amaan ah.

Munaasabadda oo bilaabatay 9:00Am ayaa lasoo gebagebeeyey 4:00Pm, iyadoo 3 muxaadaro la jeediyey subaxdii hore, halka 3 kale la jeediyey kadib markii lasoo tukaday salaadda Jumcaha.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!