Mareeg.com: Laanta FBI ee dalka Mareykanka ayaa sheegaya inay xireen oo dacwad ay ku oogeen nin qorsheynaayay inuu weeraro dhismaha Congresska ee ku yaalla magaalada Washington.
Qoraal maxkamameed ayaa lagu sheegay in ninka oo lagu magacaabay Christopher Cornell, la xiray kaddib markii uu isku deyay inuu iibsado 600 oo xaboo rasaas ah, iyo qoryaha darandooriga u dhaca.
Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu baaritaan ku sameeyay sida loo sameeyo bamka.
Xubnaha FBI waxa ay sheegayaan in ninkan uu doonaayay inuu qarxiyo dhismaaha Congress ka uuna toogto dadka halkaasi ka shaqeeya ama maraya wadada u dhow.
Waxaa sidoo kale loo haystaa qoraallo uu ku baahiyay barta bulshada ee Twitter oo uu ku taageeraayo Dowladda Islaamka eek a dagaallanta bariga dhexe.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.