Wasiir Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo ah Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo la haddlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in aanu waxba ka jirin haba yaraatee wararka ay Warbaahinada qaar baahiyen oo sheegayay in uu iska casilay Xilkii Wasiirnimo ee loo magacaabay
Wasiirka ayaa tilmaamay in uu aad ugu faraxsanyahay Mas’uuliyadda uu u igmaday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Isla markaana uu ku shaqayn doono.
“Waan ku faraxsanahay xilka wasiirka Beeraha ee RW Cumar C/rashiid ii magacaabay waana been inaan iska casilay” ayauu yiri Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen.
Wasiirka Beeraha Soomaaliya waxa uu sheegay in uu damacsanyahay in Wasaaradda uu ku soo kordhiyo qorshe badan si loo horumariyo wax soo saarka beeraha oo uu sheegay in muhiimadd wayn ay dalka iyo dadkaba u leedahay.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.