Jabuuti oo ciidamo dheeraad ah u direysay Soomaaliya

Read Time:41 Second

Mareeg.com: Dowladda dalka Jabuuti ayaa sheegtay inay kordhinayso tirada ciidammadeeda qaybta ka ah hawlgalka nabad-ilaalinta AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti, Maxamed Cali Yuusuf oo warbaahinta maanta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inay soomaaliya u dirayaan 1000 askari oo millatari ah iyo tiro kale oo boolis ah, si ay uga qaybqaataan hawlgalka nabad-ilaalinta.

Wuxuu tilmaamay in Jabuuti ay sii wadayso taageerada kala duwan ee ay siiso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo shacbigeeda.

Dhinaca kale, shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka IGAD ee lagu wado inuu barri ka furmo Muqdisho ayuu sheegay inuu ahmiyad weyn u leeyahay Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti, Maxamed Cali Yuusuf ayaa shalay gaaray Muqdisho, halkaas oo uu uga qaybgali doono shir ay wasiirrada dhiggiisa ah ee IGAD ku yeelan doonaan barrito.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.