DEG DEG: Sakariye Ismaaciil Xersi oo caawa laga soo dejiyay Garoonka Aadan Cadde * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

DEG DEG: Sakariye Ismaaciil Xersi oo caawa laga soo dejiyay Garoonka Aadan Cadde

 DEG DEG>Daqiiqado ka hor, ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ka soo cago dhigatay diyaarad gaar ah, oo siday Sakariye Ismaaciil Xersi, oo ka soo goystay Ururka Al Shabaab.

 

 

 

Sakariye, ayaa waxaa shalay lagu waday in la keeno Magaalada Muqdisho, balse waxaa barqaniamdii shalay Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo kula wareegay Ciidamada Kenya.

 

Diyaaradii uu la socday Sakariye, ayaa galabta ka soo duushay Garoonka Duulimaadyada ee Degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

 

Sakariye waxaa diyaarada la saarnaa Saraakiil ka tirsan Dowladda Somaliya, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya iyo rag kaloo la sheegay, inay ehelo yihiin ninkaasi.

 

Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ayaa waxay xoojiyeen ammaanka Garoonka Aadan Cadde, iyadoo aan la aqoon waxa laga yeeli doono Sakariye, laakiin waxaa la lee yahay Nabad Suggida ayaa la wareegi doonto, si ay su’aalo u weydiiso.

 

Dowladda Somaliya, ayaa si deg deg ah Kenya kaga dalbatay inay ninkaasi ku soo wareejiso, iyadoona muujisay sida ay kaga carootay tallaabadii guracneyd, ee ay kula wareegtay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!