
Mareeg.com: Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya ayaa war ay soo saartay kaga hadashay qofkii uu ahaa Sarkaal Alshabaab ka tirsan oo xalay diyaaradaha dagaalka Mareykanku ku qodeeyeen deegaanka Saakow ee gobolka Jubada Dhexe.
Warsaxafadeed kasoo baxay Hayadda sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Somaliyeed ayaa lagu sheegay in weerarkii xalay ay iska kaashadeen Nabadsugidda Soomaaliya iyo dhigooda Mareykanka.
Warka ayaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay Amiirkii Amniyaadka iyo Sirdoonka Al-shabaab oo lagu magacabi jiray Cabdishakuur, islamarkaana Shabaab ay u yaqaaneen Tahliil, kaa soo dhawaan ay ku badaleen Sakariya oo hadda ku jira gacanta dowladda Soomaaliya.
“Horjoogahaas weerarka duqeynta cirka lagu dilay ayaa waxaa sidoo kale la geeriyooday 2 qof oo ka tirsanaa Shabaab oo kala ahaa horjoogayaal iyo Maleeshiyo, kuwaasoo aan magacyadooda aan dib u soo bandhigi doono” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Nabad Sugidda Soomaaliya.
Nabadsugidda ayaa sheegtay in weeraku ka dhacay deegaan l25-KM u jira Saakow. Mareykanka oo howlgalkaas qaaday ayaa goor soo horreysay sheegay inuu darsayo natiijada weerarkaas.
Mareeg Media
Published by A Warsame is senior
Editor and managing Director of Mareeg Media
Whatup :+447737886245
Happy
0 0 %
Sad
0 0 %
Excited
0 0 %
Sleepy
0 0 %
Angry
0 0 %
Surprise
0 0 %