Mareeg.com: Wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maman S. Sidikou ayaa soo dhaweeyay magacaabista Ra’isulwasaaraha cusub ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo shalay uu madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud u magacaabay xilkaasi.
Wakiilka midowga Afrika ayaa sheegay in waqtigan loo baahanyahay in la dhameystiro howsha adag ee hor taala xukuumadda federaalka Soomaaliya ee la filayo inay dhawaan howl bilowdo.
Maman S. Sidikou ayaa tilmaamay in Ra’isulwasaaraha magacaaban Cumar C/rashiid uu yahay nin aqoon iyo waaya aragnimo u leh xilkan oo uu horay usoo qabtay sanadkii 2009 isagoo u rajeeyay inuu ka faa’iideysto fursada wanaagsan ee xiligan uu heysto taasoo ka duwan midii uu helay sanadkii 2009-210 oo xili adag ay dowladu ku jirtay.
Published by A Warsame is senior
Editor and managing Director of Mareeg Media
Whatup :+447737886245
Happy
0 0 %
Sad
0 0 %
Excited
0 0 %
Sleepy
0 0 %
Angry
0 0 %
Surprise
0 0 %