Midowga Yurub iyo IGAD oo raba in Axmed Madoobe dhaqangeliyo heshiiskii uu la galay DF Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Midowga Yurub iyo IGAD oo raba in Axmed Madoobe dhaqangeliyo heshiiskii uu la galay DF Soomaaliya

Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ayaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub iyo urur goboleedka IGAD.

Wafdiga uu la kulmay madaxweynaha Jubba waxaa hogaaminayey wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mr. Michele Cervone waxaa sidoo kale ku waheliyey wakiilo ka socda dalalka Ethiopia, Italy, UK, Sweden iyo Madax ka socota IGAD.

Shirka oo ahaa mid albaabadu in xirnaa ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa saxaafada uga warbixiyey shirka madaxweynaha maamulka Jubba iyo wakiilka Midowga Yurub Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in ay ka wada hadleen arrimo la xiriir dar dargelinta mashaariicda hormarinta ee Midowga Yurub ka wada deegaanada maamulka Jubba ka jiro.

Wuxuu sidoo kale Axmed Madoobe sheegay in laga wada hadlay sidii loo adkayn lahaa wada shaqaynta dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka iyadoo la fulinayo heshiisyadii la gaaray.

Mr. Michele Cervone wakiilka Midowga Yurub Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweynaha isla soo qaadeen dhamaystirka maamulka Jubba oo hada maraya meel wanaagsan sidoo kalana ay jiraan hay’ado shaqooyin qaban lahaa oo ka maqan maamulka, xoojinta dagaalka Al-shabaab iyo mideynta ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Jubba.

Axmed Mdoobe ayaa dhowr todobaad ka maqnaa magaalada Kismaayo, isagoo safarro ku kala bixiyey Isutaga Imaaradka Carabta, Kenya iyo Itoobiya.

Wuxuu Axmed warbaahinta ugu sheegay Kismaayo inuu booqday dalalka Imaaraadka Carabta, Itoobiya iyo Kenya kulamana lasoo qaatey mas’uuliyiin ka tirsan dowladaha saddexdaas dal iyo xubno ka socdey beesha caalamka.

Qodobada uu kala hadlay mar uu sharaxayey wuxuu sheegay inay kamid ahaayeen: sidii maamulka Juba looga taageeri lahaa dhinacyada ammaanka dhaqaalaha iyo weliba dib u dhiska.

Ugu dambeyntii Axmed Madoobe wuxuu sheegay in ballan qaadyo badan loosoo sameeyey rajo weynna ka qabaan in codsiyadii ay gudbisteen si dhaqso ah loogaga soo jawaabi doono.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!