Dhismaha wadada dhanka xeebta woqooyi uga baxda Muqdisho oo laga shiray * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Dhismaha wadada dhanka xeebta woqooyi uga baxda Muqdisho oo laga shiray

Mareeg.com: Kulan balaaran oo looga hadlayey sidii loo dhisi lahaa wada dheeree isku xirta Muqdisho iyo Hobyo ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa kulanka ka qayb galay Xildhibaano, Siyaasiyiin, Salaadiin iyo Marti sharaf kale oo isugu jira qaybaha bulshada.

Kulankaas waxaa ka hadlay Mas’uuliyiin kala duwan oo dhamaantood ka mideysnaa in dhibaato xoog leh ka jirto wadadaas oo ah bacaad, islamarkaana uusan mari karin gaari xamuul ah oo aan aheyn TM, BG iyo gaadiidka aan bacaadku celin ee yaryarka ah.

Imaam Maxamed Yuusuf Cumar  ayaa ka mid ahaa dhaqanka ka hadlay kulankaan waxaana uu ku baaqay in aan arintaas loo kala harin.

Ismaaciil Macalin Muuse, oo ah Gudoomiyaha Gudiga Dib u Heshiisiinta Qaranka Soomaaliyeed oo isna ka mid aha Mas’uuliyiinta ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Soomaaliya hadii ay u istaagto in ay wax qabsato ay iskuna filan tahay isagoo soo jeediyay in laga wada qayb qaato dhismaha Wadadaas.

Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa ka mid ahaa Mas,uuliyiinta ka qayb gashay Kulankaan Waxa ka mid ahaa Xildhibaan Cabdi Rashiid Xidig, Xildhibaan Cumar Maxamed Maxamuud {Filish} iyo Xildhibaan Shiiraar, waxeyna dhamaantood isku raaceen in ay bilaabayaan tabarucaada dhismaha wadada.

Cali Maxamed Geedi Ra’iisul Wasaarhii Hore ee Somalia oo ka hadlay Kulankaan ayaa waxaa uu ku tilmaamay Talaabadaan looga tashanayo Dhismaha Wadadaan Muhiimka u ah Bulshada Soomaaliyeed mid muujineysa isku duubnida dadka Soomaaliyeed iyo sida ay uga go’antahay in ay dalkooda dhistaan iyagoo aan cid kale gacan ka sugin.

Cali Geedi ayaa waxaa uu ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed dalka iyo dibada meel kasta oo ay Joogaan in ay u istaagaan ka qayb qaadashada Howshaan isla markaana ay ku taageeraan Xoog iyo Hanti intaba naadaama ay tahay howl qaran.

Wada dhanka xeebta marta ee Woqooyi uga baxda Muqdisho ayaa marta 3 gobol oo kala ah, Shabeellaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug.

Wadadaan ayaa gobolka Shabeellaha Dhexe ka marta degmooyinka Warsheekh iyo Cadale, halka ay gobolka Galgaduud ka marto degmada Ceeldheer, iyadoo gobolka Mudug ka marta Xarardheere iyo Hobyo.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!