Duuliyaha diyaarad dagaal oo Kenya uga burburtay Soomaaliya oo aan meel lagu sheegin

Read Time:1 Minute, 4 Second

Mareeg.com: Ciidamada Kenya ee Soomaaliya ku sugan ayaan weli raq iyo ruux meel ku sheegin duuliyihii diyaaraddiisu ku burburtay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose oo Al-Shabaab ay ka taliso.

Saaxiibbadiis ayaa wali isku dayaya inay meel ku sheegaan asaga 96 saac kaddib shilkaas.

Rajo xumadooda waxaa kordhiyay wararka sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay gaareen goobta ay diyaaradda ku dhacday, iyagoo rajeynaya inay gacanta ku dhigaan duuliyahan oo la tilmaamay inuu billado badan haysto, duqaymo dhowr ahna horey uga fuliyay Soomaaliya.

Diyaaradda ayaa burburtay galabtii Khamiista ee 4-ta bisaan December, In kastoo ciidanka Kenya ee ku sugan Soomaliya ay garanayaan goobta guud ee shilku ka dhacay, ayaa haddana wali la la’ yahay duuliya, oo la rumeysan yahay inuu ka booday diiyaaradda kaddib markii uu sameeyay wicitaanno quus ah.

Lama garanayo in Major Jonathan Kingu Otongo uu ka badbaaday burburka diyaarada iyo inkale.

Afhayeenka Ciidanka Difaaca Kenya Colonel David Obonyo ayaa sheegay inay diyaaraddu dhacday kaddib markii ay soo wajaheen cillado farsamo.

Wuxuu sheegay in duuliyaha uu la soo xiriiray saaxiibbadiis, wax yar kaddibna diyaaraddu waxay ku burburtay dhulka ay Al-Shabaab ka taliso.

Alshabaab ayaa horay u sheegay iney diyaaradda soo rideen, balse wax war ah kama sheegin halka uu ku dambeeyey duuliyihii weday.

Mareeg Media

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.