Golaha Wakiilada Somaliland oo cod buuxa ku ansixiyey xubnaha Guddiga doorashooyinka

Read Time:55 Second

Mareeg.com: Mudaneyaasha Golaha Wakiilada maamulka Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Guddiga cusub ee Doorashooyinka Somaliland.

Fadhiga maanta oo uu Gudoominayay Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro, ayaa mudaneyaasha looga akhriyay Khibrada aqooneed iyo shaqo ee 7 Xubnood ee Komishanka, iyadoo ka dibna cod gacan taag ah lagu ansixiyay.

Fadhiga oo ay goob joog ka ahaayeen 70 Mudane, waxaa mid mid loogu codeeyay 7-da xubnood ee Komishanka, waxaana dhamaantood Ogolaaday in la ansixiyo 69 Mudane, halka Gudoomiyuhuna aanu codayn, sidoo kale ma jirin cid diida iyo cid ka aamustay toona.

Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee ay ansixiyeen xubnaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa badeli doona gudigii hore ee doorashooyinka, waxeyna shaqeyn doonaan muddo 5 sano ah.

Magacyada xubnaha ayaa kala ah:-

1- Maxamed Jaamaca Maxamed.

2- Maxmauud Jamac Waceys.

3- Khaltun Sh. Hassan Cabdi.

4- Saciid Cali Muuse

5- C/qaadir Iimaan Warsame.

6- C/fataax Ibrahim Xasan

Xubnahan oo uu soo magacaabay madaxweyne Siilaanyo ayaa loo gudbiyey Golaha Wakiilada bilowgii bishii hore ee October, hase ahaatee waxaa daahiyey khilaaf u dhaxeeyey Siilaanyo iyo Cirro oo markii dambe la xalliyey.

Mareeg Media

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.